Dood Culus Oo Ka Taagan Sharcinimada In Shaqaalaha Dawladdu Ku Milmaan Xubnana Ka Noqdaan Xisbiga KULMIYE Iyo Guddoomiyaha Hay’adda
October 13, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe ayaa si adag uga hadlay doodaha la xidhiidha sharcinimada ku aaddan in uu ku soo baxay liiska Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE isaga oo ah guddoomiye gacanta ku haya masuuliyadda adeegayaasha umadda oo ah shaqaalaha dawladda oo sharcigu ka reebayo in ay ku milmaan xisbiyada qaranka.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe waxa uu sheegay in aanu jirin sharci u diidaya in uu ka mid noqdo golaha dhexe ee xisbiga horena uu uga mid ahaa waxaanu isaga oo arrintaasi ka hadlaya yidhi: “Sharciyada ayaa wax hagta ee rayi qof waa aragtidiisa kaliya wax uu cabiray. Ma ihi shaqaale dawladeed (Civil Servant) waxaan ahay Gudoomiye Hayadeed, Sharciyad ii diidaysaana ma jirto ka mid noqoshada Golaha dhexe ee Kulmiye. Golihii horena ka mid ayaan ahaa, imikana waan ahay oo xubintii ayuunbaan ku soo noqday cirkana kamaan soo dhicin ee xukuumada xisbiga Kulmiye ayaan ka mid ahay sida wasiirada, Gudoomiyayaasha Hayadaha kale ee Dawlada waxaanse si dhab u ogay una aqoonsanay in masuuliyada iyo xeerarka aanu ku shaqayno ay na farayaan waajibaadkayaga shaqo sida ay u farayaan wasiirada, xildhibaanada, Mayorada iyo masuuliyiinta kale ee Hayadaha Dawlada ee ku abtirsada Xisbul Xaakimka, taasina ay noo cadahay”