berberatoday.com
Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Safarka Madaxwayne Biixi Ugu Baxay Gobolada Bari Iyo Fariinta Uu Udiray Shacabka Goboladaas
October 19, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)–Siyaasi Cali Guray Oo kamid ah siyaasiyiinta reer somaliland ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay safarka madaxwaynaha Somaliland ugu baxay gobolada bari ee Somaliland isagoo waxgaradka iyo madaxdhaqeedka gobolada bari ugu baaqay in ay madaxwaynaha kala hadlaan tabashadooda oo ay usoo bandhigaan wax ay tabanayaan.

Siyaasi cali guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa sidan;

Safarka Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ugu baxay qaar ka mid ah gobolada bariga waxan u arkaa muhiim. Marka hore waxan ku boorinayaa dadwaynaha in si wayn oo milge iyo maamuus leh odayga qaranka loo soo dhaweeyo. Dhinaca kalena waxay u tahay fursad dadwaynaha gobolada uu booqashada ku mari doono madaxwaynuhu siiba waxgaradka xogogaalka u ah guud ahaan xaaladda dalka iyo gaar ahaan gobolada bariga oo aan kula talinayo in wakhtiga yar ee fursadda ah ay si run ah, daacad ah, oo lilaahi ah dhinacooda ay Madaxwaynaha ugu xogwaramaan wakhtiguna aanu kaga wada lumin sacab iyo mashxarad iyo ciyaaro ee ay xaqiiqada ka hadlaan dhibaatooyinka jira iyo xataa tabashooyinkoodana aanay ka qarin ee sheegtaan si hadhow ma i tidhina waa sed eh aanay isugu qoomamayn hal ay lahaayeen oo seegay. Waayo inta badan gobolada fog fog looguma war hayo sida caasimadda oo inta badan madaxdu ay dhex joogaan goor kastana ay xogogaal u yihiin. Markaa intii hadhow caban lahaydeen waa kaa dhexdiina jooga odaygii madax meel ka saraysa oo la salaaxaana ma jirto eh imikaba ogaada

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews