Taiwan Oo Dacwad Kusoo Oogtay Nin Amar Ku Bixiyay In La Toogto Budhcad Badeed Soomaali Ah’
October 21, 2020 - Written by admin
Dacwad oogayaasha ku sugan Taiwan ayaa dacwad kusoo oogay kaptan la sheegay in uu amar ku bixiyay in la toogto rag soomaali ah oo looga shakiyay falal burcad badeenimo ah siddeed sano ka hor.
Hargaysa(Berberatoday.com)-Wang Fenyu wuxuu kaptan ka ahaa doon kalluumeysi lah aga leeyahay Taiwan oo sanadkii 2012 mareysay meel u dhaw xeebaha Soomaaliya.
Ninkan ayaa la xidhay bishii Agoosto kaddib markii doonii uu waday ay gaadhay dekedda ku taalla Kaohsiung ee Taiwan.
Warbaahinta Taiwan ayaa ku warrantay in ninkan lagu soo oogay dacwad ah in uu geystay falal dil ah iyo inuu sitay hub isla markaana uu ku xaadgudbay sharciga adeegsida hubka.
Waxayna dhacdadan soo ifbaxday markii ay soo baxeen muuqaallo lagu qaaday teleefoonka gacanta oo muujinayaa afarta qof ee soomaaliga ah oo lagu dhex tooganayo badda xilli ay ku sugnaayeen goob boqolaal kiiloomiitar u jirta xeebaha Soomaaliya.
Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sanado badan ka cabanayay in dhacdadan ay muujineyso kala danbeyn la’aan ka jirto xeebaha iyo in la xakameyn la’yahay doomaha laga leeyahay Taiwan ee sida sharci darrada uga kalluumeysto xeebaha Soomaaliya.
Sanadkii 2012-kii, waxaa sare u kacay weerarada kooxaha budhcad badeeda ay ka fuliyaan xeebaha Soomaaliya, waxay qabsadeen dhowr maraakiib ah si madax furasho loo siiyo.
Waxaana xeebaha ka socday howlgallo ay wadaan ciidammada waddammada reer galbeedka si looga hortaggo weerarad budhcad badeeda.
Balse haatan waxaa joogsaday weeraradii ay budhcad badeeda ka geysan jireen xeebaha Soomaaliya.