Ciidanka Booliska Somaliland Oo Soo Bandhigay Lacagta Badan Oo Dalka Sharci-darro Lagu Soo Geliyey
October 27, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa sheegay inay qabteen Lacagta Madoow ee Doollarka ah, taas oo si sharci-darro ah dalka loo soo geliyey, isla markaana xaddigeedu dhan yahay Hal milyan oo Doollar.
Taliska Ciidanka Booliska oo lacagtan soo bandhigay, waxa ay sheegeen in fal-dambiyeedka lagu helayo laba eedaysane oo u dhashay maamul-goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo uu Boolisku ku eedeeyey inay doonayeen inay dhaqaalaha Somaliland ku khalkhal-geliyaan.
Afhayeenka Booliska Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi, ahna Taliyaha Dembi-baadhista, ayaa Isniinta maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, isla markaana faahfaahiyey qaabka loo qabtay lacagtaas iyo sida dalka lagu soo geliyey.