Safiirka Shiinaha U Fadhiya Muqdisho Oo Kordhiyey Farriimaha Adag Ee Uu Warbaahinta U Mariyo Taiwan Oo Xafiis Ku Leh Somaliland
October 28, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dawladda Shiinaha ayaa sii wadda Farriimaha adag ee Hawada u marinayso Taiwan, tan iyo markii ay xidhiidhka diblumaasiyadeed la samaysatay Jamhuuriyadda Somaliland.
Safiirka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha Amb. Qin Jian ayaa saddexdii Maalmood ee u dambeeyay wuxuu Internet-ka ku baahinayey hadallo adag, kuwaasi oo lid ku ah Dawladda Taiwan, isagoo ku celceliyey in Taiwan oo hore uga go’day Shiinuhu ay weligeedba ka mid sii mid ahaan doonto.