Afhayeenka ONLF Oo Ka Hadlay Soomaali Boob Iyo Dil Loogu Geystay Ismaamulka Canfarta Ee Itoobiya
October 30, 2020 - Written by admin
Jigjiga(Berberatoday.com)-Afhayeenka Ururka ONLF ONLF Caddaani Hiirmooge, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la garab istaago Soomaalida deegaannada Citi iyo Lafa-Ciise oo dil badan loo geystay toddobadyadii u dambeeyey, isla markaana dhulkooda lagu daray Ismaamulka Canfarta ee dalka Itoobiya.
Dhawaanahanba waxa jiray iska hor-imaadyo dhex-marayey Soomaalida iyo Canfarta, waxaana yimi weerarro ay Canfartu ku soo qaadeen Soomaalida deegaan ahaanta lagu daray Maamulka Canfarta ee aanay Soomaalidu raallida ka ahayn, waxaana dhintay Dad soddon ka badan oo Soomaali ah, halka ay tiro badan oo kalena Dhaawacyo ka soo gaadheen, Xoolo badanna lagu dhacay sida uu sheegay Afhayeenka ONLF.