“Axmed Dheere Waa Geesi Qaran Waana Ninkii Damiirkiisu Diiday Inuu Bambooyin Ku Garaaco Shacbku Udhaartay Ilaalintooda, Waxan Ku Maamuusay Bilad Sharaf Babasaboor Somaliland Dilomaasiya Iyo Dhulkii Guri Looga Dhisilahaa Oo Hargeysa Ah”Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
October 30, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-“Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere ) waxa uu damiirkiisu u diiday in uu diyaarad dagaal iyo bambooyin xoog badan ku duqeeyo hooyooyinkii iyo caruurtii uu isagu ka ilaalin lahaa cadowga.
Duuliye Axmed-dheere waa geesi dhiiran oo ka dhiidhiyey in uu qayb ka noqdo xasuuqii iyo gumaadkii aan kala sooca lahayn ee bulshada Jamhuuriyadda Somaliland lagu hayey 1988. Waxa uu bad-baadiyey kumannaan ka mid ahaa shacabkii aan waxba galabsan ee Hargeysa. Sidaa darteed, waxa aan caawa ku maamuusay Duuliye Axmed-dheere Billad Sharaf. Waxa aan guddoonsiiyey Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland ee Diblomaasiga ah iyo dhulkii laga dhisi lahaa gurigii uu ku yeelan lahaa Caasimada Hargeysa.
Berberatoday.com