Maxkamad Ku Taalla Dalka Kenya Oo Xabsi Adag Ku Ridey Rag Lala Xidhiidhiyay Weerarkii Westgate
October 31, 2020 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Garsooraha maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa ku xukuntay laba qof xabsi dheer oo 18 sanno iyo 33 sanno ah kadib markii lagu helay inay gacan ka geysteen weerarkii lagu qaaday Xaruntii ganacsiga ee Westgate sanadkii 2013.
Maxamed Axmed Cabdi ayay maxkamadu ku xukuntay 33 sanno halka Xuseen Xasan Mustafa ay maxkamadu gadhka u gelisay 18 sanno oo xadhig ah.
Ugu yaraan 67 qof ayaa ku geeriyadooy weerarkan ay Alshabaab ku qaadeen Westgate.
Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in afar qof ee weerarka soo qaaday laga helay meydkooda burburka xarunta Westgate.