Baaddari Lagu Toogtay Dalka Faransiiska Iyo Cabsi Xooggan Oo Soo Food-saartay Shacabka Dalkaas
November 1, 2020 - Written by admin
Lyon(Berberatoday.com)-Ciidanka Booliska Faransiiska, ayaa sheegay in wadaad ka tirsan mad-habka Orthodox-ka toogasho lagu dhaacaway magaalada Lyon ee waddanka Faransiiska, iyadoo toogashadani sii kordhisay Cabsi soo food-saartay Faransiiska.
Warbaahinta BBC-da oo aannu warkan ka soo xigannay, ayaa tebisay in xog warfidiyeenku ka heleen Booliska Faransiisku sheegtay in qofkii falkaa geystay goobta ka baxsaday oo aanay Boolisku ku guulaysan inay qabtaan qofkaas.
Wasiirka arimaha gudaha ee Dowladda Faransiiska, ayaa qoraal uu Bartiisa Twitter-ka ku faafiyey toogashada ka dib, ku sheegay in dhacdo halis ahi dhacday, laakiin wax faahfaahin ah kamuu bixin waxa dhacay.
Weerarkan Toogashada ah, ayaa waxa uu dhacay qiyaastii 4-tii galabnimo wakhtiga Faransiiska, markaas oo Wadaadku Kaniisadda xidhayey, sida ay warbaahinta Dalka Faransiisku tebisay ee laga soo xigtay.
Qof ka tirsan Booliska Faransiiska oo wakaaladda wararka ee AFP soo xigatay, ayaa sheegay in ninka weerarka geystay sitay qori shoodh-gan ah. Hase-yeeshee, weli laamaha Ammaanka ee Faransiisku may si rasmi ah u xaqiijin xogtaas.
Baaddariga la toogtay, ayaa la sheegay in xaaladdiisu caafimaad culus tahay, waxaanay wakaaladda wararka ee AFP ku warrantay in goobtii lagu dhaawacay lagaga dawaynayo dhaawacyo uu u dhiman karo.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Booliska iyo Hay’adaha Ammaanka ee Faransiisku heegan galeen, isla markaana la baadi goobayo Qofka Baaddarigaas toogtay ee la sheegay inuu ka baxsaday goobtii uu toogashada ku geystay.
Dilal dhawr ah oo kala duwan, ayaa dalka Faransiiska ka dhacay labadii toddobaad ee ugu dambeeyey, tan iyo markii uu Madaxweynaha Faransiisku taageeray Macallin Sawir-gacmeed lagu aflagaaddaynayo Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa aha ahaatee, kaas oo Nin Islaam ahi ku gawracay duleedka magaalada Paris 17-kii Aktoober 2020-ka.
Go’aanka Madaxweynaha Faransiisku ku taageeray sawirkaas, isla markaana sida adag ugaga hadlay dilkii Ninka sawirka ardaydiisa tusay, ayaa si weyn uga cadhaysiiyey Shucuubta Islaamka iyo weliba dowladaha Islaamka, iyadoo bannaan-baxyo iyo joojinta Badeecadaha Faransiiska ka yimaadda ay dalal badan oo Muslim ahi kaga jawaabeen dhaqan-xumadaas.