berberatoday.com
Wararkii Udambeeyey Ee Doorashada Mareykanka Iyo Trump Oo Guul Sheegtay
November 4, 2020 - Written by admin

New York(Berberatoday.com)-Waxaa weli socota tirinta codadka doorashada wadanka Mareykanka oo ay si weyn ugu tartamayaan Donald Trump iyo Joe Biden.

Trump oo goor dhow wariyeyaasha kula hadlay dhismaha Aqalka Cad ayaa guul ka sheegtay doorashada, iyada oo ay hadhsan yihiin malaayiin codad ah oo aan weli la tirin.

“Waan ku guuleysannay doorashadan,” ayuu yidhi Madaxweyne Donald Trump oo loolan adag kala kulmaya musharraxa Xisbiga Dimquraaddiga ee Joe Bide

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey madaxweyne Trump “Tani waxay ceeb ku tahay dalkeenna,”

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu aadayo maxkamadda sare, si uu uga dacwoodo natiijada doorashada, isaga oo ka soo horjeeda tirinta codadka lagu dhiibtay dhanka Boostada oo uu shaaciyey in la doonayo in lagu xado codadka doorashada.

Marka laga tago sheegashada Trumo waxaa soo baxaya inuu haatan aad u horreeyo Joe Biden, iyadoo sidoo kale la saadaalinayo inuu ku guuleysto gobolka Minnesota oo ku yaalla badhtamaha galbeedka Mareykanka, ayna ku nool yihiin Soomaali fara badan.

Si kastaba waxaa laga cabsi qabaa in uu muran xoogan ka dhasho natiijada doorashadan, islamarkaana la’isla aado maxkamadda sare ee dalka Mareykanka.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews