Mulkiilayaasha Warshadaha Roodhida Soosaara Ee Gobolada Galbeedka Somaliland Oo Qimiihii Lagu Iibsan Jiray Roodhida Kor Uqaaday
November 5, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shir Doceedyo Maalmihii u danbeeyay bishii Hore ee tobnaad Ay yeesheen Mulkiilayasha warshadaha Roodhida ee Magaalooyinka Hargaysa,gabiley,wajaale iyo Boorama ayaa lagu soo gunaanaday in sare loo qaado qiimaha Roodhida, iyagoo Isla qaatay Mulkiilayaasha iyo sheerlayaasha Warshadaha Roodhida sameeya in si aan tudhaal lahayn sare loogu qaado qiimaha Roodhida lagu iibiyo, iyagoo kordhiyay Laban-laabay qiimihii hore loogu iibin jiray Roodhida . Anagoo u kuur galay in sixir barar ku yimid qiimihii ay ku soo iibin jireen Warshadlayda Roodhidu Daqiiqda waxaan ogaaday in Kontonka 50Kg ee daqiiqda ah in ayna ku kordhin wax saamayn kara Qiimaha lagu iibin jiray xabbada Roodhida gabdadda Daqiiqda ah.