berberatoday.com
Mushkilad Hor Leh Itoobiya Saameynta Natiijada Dimuqradiga Mareykanka
November 6, 2020 - Written by admin
Inantan ama islaantan waxa la yidhaahdaa Susan Rice. 30kii sanno ee u dambeeyay waxa ay ka mid ahayd shaqsiyaadka dejiya siyaasadda Xisbiga Dimuqraadiga ee waddanka Maraykanka. Susan iyada oo 29 sanno jirta ayaa ay ka soo muuqatay saaxadda siyaasadda ee xisbigeeda. Waa 1993kii.
Waxa talada dalka la wareegay xisbigeeda. Bill Clinton ayaa noqday madaxwaynaha Maraykanka. Inantan waxa ay ka mid noqotay shaqaalaha xafiiska lataliyaha amniga qaranka ee madaxwayne Clinton. Teeramkii koowaad ee Clinton waxa ay ahayd shaqsiyaadka sida dhaw uga ag shaqeeya madaxwaynaha.
Teeramkiisii labaad waxa ay noqotay u qaybsanaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka. Waa markan marka ay wax qastay. Waxa ay la saaxiibtay wiilal jabhaddo hore haystay, imikaba dalalkoodii madax ka ah. Zenawi, Afwerki, Kagame iyo Museveni ayaa noqday asxaabteeda koowaad ee qaaradda. Laba ayaa isku dhacay. Afwerki iyo Zenawi ayaa dagaalamay. Si cad ayaa ay Afwerki u dayrisay. Waxa ay la safatay saaxiibkeed Zenawi oo ay saaxiibo dhaw ahaayeen ilaa uu ka dhintay.
Kagame iyo Museveni waxa ay u adeegsatay in ay qalalaase ka abuurto waddankii Zaire oo imika loo yaqaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Congo waa waddan khayraad ka buuxo. Labadan jabhad ayaa ay u adeegsatay in ay taageeraan jabhad ka dagaalanta gudaha waddankaas oo shirkaddo Maraykan ah uga shaqaysa macdanta. Rwanda ayaa noqotay xarunta ay jabhaddaasi keento wixii shirkaddaha Maraykanku ka dalbadaan. Isla Rwanda ayaa ay hub iyo lacag ka helaan. Arrinkan ayaa keenay in ay labada waddan mar labaad isku dhacaan 1998kii.
Markii koowaad waxa ay ahayd dhammaadkii xasuuqa oo ay Congo gabaad ka dhigteen baxsadkii xasuuqa gaystay. Qalad ayaa ay ahayd qaaradda loo soo diray. Waddan wal oo ay faraha la gashay afartii sanno ee ay Afrika ka shaqaynaysa dagaal sokeeye ayuu galay ama deriskiisa ayuu ku duulay.
Markii xisbigeedu soo noqday 8 sanno kadib ee uu Obama noqday madaxwaynaha, Susan waxa loo magacaabay ergeyga Maraykanka u fadhiya qaramada midoobay.
Halkan ayaa dad badani ku barteen. Waxa ay ahayd atooraha la iska eego fadhiyada gollaha amaanka iyada oo cunaqabataynta ku adkaysay Iiraan iyo Waqooyiga Kuuriya, amartay in Nato gasho Liibiya. Waxa ay sidoo kale xoogga saartay xuquuqsa aadamaha, difaaca Israa’iil, Isbeddelka Cimilada iyo difaaca dadka isku jinsiga ah ee wax iska daya. Dhammaan waxyaabaha xisbigeedu u taagan yahay ayaa ay difaac ula taagnayd.
Inantu teeramkii labaad ee Obama waxa ay noqotay lataliyaha amniga qaranka (National Security Advisor). Xilkaas oo ay haysay ilaa uu Taraam madaxwayne noqday. Xiligan waxa lagu xasuustaa heshiiskii Nuclearka ee Iiraan iyo heshiiskii Paris ka dhacay ee isbeddelka cimilada.
Rice waxa ay aad iskugu dhaw yihiin Joe Biden. Mudada ay siyaasadda xisbiga ku jirtay waxa uu ka mid ahaa kaadiriinta iyo biyoculusta xisbiga. Xukuumaddii Obama ee ay xilalka muhiimka ah u haysay waxa uu ka ahaa madaxwayne kuxigeen.
Xagaagan waxa Maraykan iyo badi dunida ku fiday ololihii Black Lives Matter ee ka dhashay dilkii George Floyd. Xisbiga Dimuqraadiga ah ayaa laga filayay in ay musharaxa madaxwayne ku xigeenka ka dhigaan gabadh madow ah. Dadka oo dhan waxa niyaddooda ku jirtay Susan Rice. Waxa lagu soo daray dhawrkii hablood ee la kala doortay. Kamala Harris ayaa uu Biden qaatay. Suzan waxa la hubaa in ay kaalin wayn ka qaaddan doonto xukuumadda Biden, haddii uu guulaysto. Waxa loo badinayaa in ay noqoto xoghayaha arrimaha dibedda.
Susan waxa ay asxaab dhaw la tahay saraakiisha Tigreega ee la shaqayn jiray saaxiibkeed Zenawi. Haddii ay bisha March la wareegto xil muhiim u ah go’aannada Maraykanku dunida ka qaaddanayo, waxa hubaal ah in mawjaddo dagaallo iyo qax ahi ku soo waajahan yihiin geeska.
Xigasho Jimcale M Xamari

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews