Guddiga Qandaraasyada Oo Furay Tartan Loo Galayo Dhismaha 26 Dugsi Oo Laga Hirgelinayo Dalka
November 10, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta daah-furay Mashaariic fulintooda ay u tartamayaan shirkado tiradoodu boqol ku dhow dahay, kuwaas oo xukuumaddu ka hirgelinayso dalka.
Mashaariicda oo qandaraaskooda ay Guddigu hore u shaaciyeen, waxa soo xeraystay shirkado muwaadiniin ah, waxaanay kala yihiin 24 Dugsi iyo 2 Lap oo Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku ka fulinayso gobollada dalka.
Munaasibad lagu daah-furay tartanka qaraasyada 26-ka Mashruuc oo maanta ku qabsoontay xarunta Guddiga Qandaraasyada, waxa goob-joog ka ahaa oo ka Qayb-galay xubnaha Guddiga, Shirkadaha tartanka ka qayb-galaya iyo masuuliyiin ka socotay wasaaradda Waxbarashada.