Midowga Africa Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaalka Socda Gobolka Tigreega Ee Itoobiya.
November 10, 2020 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Midowga Afrika ayaa ku baaqay in xabad joojin looga dhawaaqo gobolka Tigray halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ku dagaallamayay muddo ku dhaw toddobaad.
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamayo Itoobiya in wadahadal lagu soo afjaro colaadda.
Wuxuu sheegay in Midowga Afrika uu diyaar yahay dadaallo kasta oo lagu xallinayo khilaafka.