Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Sheegtay In Go’aanka Lagu Joojiyey Gaadiidka Vitz-ku Yahay Mid Soconaya Muddo Kooban
November 10, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay Go’aan ay ku mabnuucday In dalka la keeno Gaadiidka yaryar ee Dadweynuhu u yaqaano Tukhaanka (Vitz), go’aankaasi oo ay Toddobaadkii hore soo saareen Golaha Wasiirradu.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka ee Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa ayaa sheegay in sababta ay joojiyeen gaadiidkaasi in dalka keeno ay tahay sababo la xidhiidha suuqa oo buuxa iyo Cabashooyin dhinaca Amniga iyo shilalka ah oo uga yimid Maamullada Gobollada dalka.