Xubnaha Ugu Sarreeya Jamhuuriyiinta Oo Ku Taageeray Madaxweyne Trump Dacwadaha Uu Ka Gudbiyay Doorashada Mareykanka.
November 11, 2020 - Written by admin
Washington DC(Berberatoday.com)-Xubnaha ugu sarreeya Jamhuuriyiinta ayaa ku taageeray madaxweyne Donald Trump, dacwadaha uu ka gudbiyay tirinta codadka qaar ka mid ah gobollada lagaga guuleystay, doorashadi madaxtinimo ee horraanti bishaan ka dhacday Mareykanka.
Trump ayaa rajo ka qaba in dacwadaha uu u gudbiyay maxkamadaha ay u diidaan guusha la saadaaliyay inuu doorashada ku guuleystay, Joe Biden oo ah madaxweyne ku xigeenki hore ee Mareykanka.