Wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed Oo Lagu Eedeeyey In Aanu Gacan Siin Beeralayda Khudradda Mudadii Saddexda Sano Ahayd Ee Uu Xilka Hayey
November 12, 2020 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Deegaanka Bixin Duule Cabdi Yuusuf ee gobolka Saaxil ayaa si kulul u eedeeyey Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, waxaanu sheegay in aanu Hargeysa iyo galbeedkeeda aanu soo dhaafin saddex-dii sanno ee uu xilka hayey,isla markaana aanu war ka ahayn beeraladay Gobolka Saaxil iyo degaanada kale ee dalka, marka laga reebo galbeedka dalka,waxaanu Madaxweynaha uu ugu baaqay inuu baddelkiisa Magacaabo
Guddoomiye Cabdi Yuusuf oo la hadlayey Telefishanka HCTV ayuu haddalkiisu uu u dhignaa sidan:”Waxaan odhan karaa Madaxweyne Muuse Biixi weli muu dooranin Wasiirkii Beeraha ee Somaliland,waxa weeyaan Wasiirka Beeraha ee Somaliland maaha mid soo gaadha gobolada dalka ee kale,Hargeysa iyo galbeedkeeda iyo Banka Wajaale ayuu ku hawlan yahay ma wasiirkii Balka ayaa loo doortay mise waa Wasiirkii Beeraha ee Somaliland halkaa laftigeeda waa la is weydiinayaa.” Gudoomiyaha Deegaanka Bixin Duule Cabdi Yuusuf