berberatoday.com
Dowladda Beljimka Oo Tallaabo Ka Qaaday Rag Doonayay Inay Gubaan Kitaabka Quraanka Kariimka Ah
November 13, 2020 - Written by admin

Brusless(Berberatoday.com)-Dowladda Beljimka ayaa ceydhisay 5 qof oo udhashay dalka Denmark kuwaasi oo aaminsan fikirka midig fog islamarkana waxa laga mamnuucay muddo sanad ah qorsha ay ku doonayeen inay ku gubaan Kitaabka Quraanka Kariimka.

Falkan ayay doonayeen inay ka sameeyaan magaalada Brussels gaar ahaan degaan ay ku badan yihiin dadka Muslimiinta.

Xoghayaha arrimaha gudaha dalka Belgium Sammy Mahdi ayaa raggan ku tilmaamay “inay halis ku yihiin nidaamka iyo kala dambeynta”.

Sida ay 5 nin ku xuseen bog ay barta facebook ku leeyihiin waxay xidhiidh la leeyihiin siyaasiga midig fog ee u dhashay dalka Denmark kaasi oo lagu magacaabo Rasmus Paludan.

Mr Paludan ayaa qudhiisa laga ceydhiyay dalka Faransiiska Arbacadii ka dib markii uu muujiyay in uu doonayo in Kitaabka Quraanka uu ku gubo magaalada Paris.

Horraantii sanadkan ayaa siyaasigani xabsiga la dhigay muddo bilooyiin ah dalkaasi Denmark ka dib markii lagu eedeeyay in uu u gefay Islamka, islamarkana uu muuqaalo ka dhan ah Islamka uu so dhigay baraha bulshada uu xisbigiisa Stram Kurs .

Rasmus Paludan ayaa horey loogu xiray dalka Denmark ka dib markii cunsuriyad lagu eedeeya
Rasmus Paludan ayaa horey loogu xidhay dalka Denmark ka dib markii cunsuriyad lagu eedeeya

Dhacdadan ugu dambeysay ayaa waxay booliiska, Belgium 5 qof uga shakiyeen inay qorsheynayaan in Kitaabka Quraanka ku gubaa degamada Molenbeek-Saint-Jean oo ka tirsan caasimada Brussels, sida ay warbaahinta maxaliga sheegtay.

Degmadan ayaa waxaa dadka ku nool u badan Muslimiin.

Booliiska ayaa 5 qof su’aalo waydiiyay islamarkna waxaa kiiskooda loo bandhigay dacwad oogaha dalkaasi, sida ilo wareedyo ay ka soo xigatay wakaalada wararka ee AFP

Xoghayaha arrimaha gudaha dalka Beljimka Sammy Mahdi ayaa qudhiisa ah wiil uu dhalay nin Ciraaqi ah oo qaxooti ahaa, waxaa uuna soo dhaweeyay xadhiga raggan iyo in dalka laga ceyriyo.

 

BBC-Somali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews