berberatoday.com
Itoobiya Oo Sheegtay Inay Qabatay Xubno Argaggixiso Ah Iyo Al-Shabaab Oo Si Adag Uga Jawaabtay
November 16, 2020 - Written by admin

Somalia/Ethiopia(Berberatoday.com)-Xarakada Al-Shabaab, ayaa beenisay war dowaldda Itoobiya ku sheegtay inay gudaha dalkeeda ku qabatay, isla markaana xidheen xubno ka tirsan Xarakooyinka Al-Shabaab iyo ISIS ee ka dagaallama qaybo ka mid ah Soomaaliya.

Warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka Ethiopia ee ENA, ayaa lagu sheegay in Hay’adda Sirdoonka Itoobiya, ay sheegtay in howlgal ay sameeyeen ciidammadu ay ku qabqabteen xubno ka tirsan Ururrada Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya ee la jaarka ah Itoobiya.

Hay’adda Sirdoonka Itoobiya, ayaa sheegtay in Raggan la qabtay in muddo ahba ciidammadu ku daba-jireen, ugu danbeyntiina ay u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan. Waxaanu warku intaas ku daray inay Hay’addu sheegtay inay weli soconayaan howlgallo lagu baadi-goobayo xubno kale oo ka tirsan labada Urur oo la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha dalka Ethiopia, iyadoo la kaashanayo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Xubnaha ay Itoobiya qabatay ee ay ku eedaysay inay ka tirsan yihiin Xarakooyinka Al-Shabaab iyo Daacish, ayey qaarkood sawirradooda baahisay warbaahinta dowladda Itoobiya.

Hase-yeeshee, Xarakada Al-Shabaab, ayaa war ay soo saareen isla Axadda maanta ku beeniyey warkaas Itoobiya baahisay aanay waxba ka jirin, hase ahaatee ay Itoobiya uga dan leedahay in ay indhaha caalamka ka jeediso qalalaasaha iyo dagaalka ka taagan gobolka Ismaamulka Tigreyga ee Ethiopia.

“Hadalka Ethiopia ee ku saabsan in ay qabteen xubno ka tirsan Al-shabaab, waa arrin aan sal iyo raad lahayn, waa sheegasho siyaasadaysan oo uu Abiy Axmad ku doonayo inuu indhaha caalamka kaga leexiyo dhibaatada iyo colaadda ka taagan gudaha Itoobiya.” Sidaa ayaa lagu yidhi Bayaanka Al-Shabaab oo uu ku saxeexnaa Cabdi Casiis Abu Muscab, Afhayeenka Howlgallada Al-Shabaab, sida lagu baahiyey Shabakadaha afka Kooxda Al-Shabaab ku hadasha iyo Warbaahinta Soomaaliya qaarkeed..

Al-shabaab waxay iska fogeeyeen in ay wax lug ah ku leeyihiin qalaalasaha ka socda dalka Ethiopia. Balse Hay’adda u qaabbilsan Sirdoonka Itoobiya ee NISS, ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen 14 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish oo qorsheynayay in ay weerarro ka fuliyaan goobo kala duwan oo dalkaas ka mid ah.

Wakaaladda wararka ee Itoobiya ee loo soo gaabiyo (ENA) oo soo xiganeysa NISS, ayaa sheegtay in Al-Shabaab iyo Daacish ay xubnaha ka tirsan ee ay qabteen u qorshohoodu ahaa inay hawlgallo argaggixiso ka fuliyaan caasimadda Addis Ababa iyo meelo kala duwan oo dalka ka mid ah, si loo fuliyo falal argagixiso oo wax u dhimaya nafta iyo hantida dadka, sidoo kalena sumcadda dalka Itoobiya wax u dhimaya.

Dowladda Federaalka Itoobiya, ayaa ka mid ah dalalka dagaalka Ciidammada Millateriga ah iyo saanaddooda dagaal ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo garab-siiya dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-Shabaab iyo dhaqdhaqaaqa dhawr sano ka hor ka bilaabmay isla Soomaaliya oo sheegtay inay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish ee fadhigood guud yihiin dalalka Suuriya iyo Ciraaq oo ay qaybo ka mid ah ka dagaallamaan, iyaga oo dagaallo kulul oo kala duwani ku dhex-mareen gudaha dalka Soomaaliya Al-Shabaab iyo Millateriga Itoobiya.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews