Somaliland”Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Jabuuti Usaxeexday Heshiis Madaxweyne Siilaanyo Ka Diiday 2012-kii
November 16, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi hoggaamiyo, ayaa dowladda Djibouti u saxeexday heshiish Madaxweyne Siilaanyo 2012-kii ka diiday Jamhuuriyadda Jabuuti, kaas oo ah heshiis Biyo ay marar kala duwan dalbatay lagu siiyo.
Shir laba geesood ah oo ay labada wadood heshiis ku kala saxeexdeen ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Somaliland ku dhexmarray Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaradaas iyo Dhiggiisa dalka Jabuuti.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu heshiis dhinacyo badan taabanaya la saxeexday Wasiirka Biyaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga ee Dowladda Jabuuti Md Maxamed Axmed Cawaale oo maalmihii u dambeeyey socdaal shaqo ku jooga dalka.