Madaxweyne Geelaha Jabuuti Iyo Xukumadiisa Oo War Ka Soo Saartay Dagaalka Itoobiya
November 17, 2020 - Written by admin
Jabuuti(Berberatoday.com)-Dowladda Jabuuti sheegtay inay dhaxdhaxaadin ka gali doonto sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka socda dalka haddii loo baahdo.
Jabuuti ayaa warkan soo saartay kaddib kulan dhaxmaray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo la taliyaha gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo lagu Magacaabo Mr Guido Andargachou, kuwaa oo ka wada hadlay dirirta ka socta gobolka Tigreyga oo hadda u muuqata mid ku sii fideysa gobolka oo idil.