Magacyada Dadka Muslimka Ah Ee Wacdaraha Ka Dhigay Doorashadii U Dambaysay Ee Maraykanka!
November 17, 2020 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Qaybtii labaad ee warbixin ay shabakadda ‘Middle East Eye’ ee dalka Ingiriisku cinwaan uga dhigtay, “Doorashooyinka Maraykanka 2020: Murashaxiinta Muslimiinta Maraykanka ee taariikhda sameeyey” oo ka warramaysay tiro muslimiinta Maraykanka ka mid ah oo ku guulaystay Kongareeska Maraykanka iyo kuraas badan oo goleyaasha sharcidejinta ee goballada ka mid ah.

Iimaan Jawdah
Doorashada golaha wakiillada ee gobalka Colorado xildhibaannada ku guulaystay waxaa ka mid ah Iimaan Jawdat oo asalkeedu yahay Falastiiniyad. Waxa ay noqonaysaa xildhibaankii ugu horreeyey ee muslim ah ee golaha wakiillada gobalkaas ka mid noqda.
Iimaan Maxamed Jawdah oo ah 38 sano jir ah ka tirsan xisbiga dimuqraaddigu waxa ay cod dhan boqolkiiba 65.86 kaga adkaatay Jovan Melton oo golaha wakiillada ka tirsanaa tan iyo sannadkii 2013 kii.
Iimaan waxa ay magac badan ku dhex leedahay muslimiinta oo ay ka mid tahay dadka ugu cadcad ee u dhaqdhaqaaqa xuquuqdooda.
Iimaan markii ay guulaystay kaddib waxa ay barteeda twitter ka ku sheegtay in ujeedada is sharraxaadda ku kalliftay ay tahay in riyada Maraykanku ay noqoto mid dadka oo dhami ka faa’iidaystaan. “Waxa aan ku faanayaa in aan ahay Maraykan muslim ah oo asalkeedu ka soo jeedo Falastiin. Waxa aan ku faraxsanahay in fursad la ii siiyey in aan golaha wakiillada ku metelo dadka laga tirada badan yahay iyo guud ahaan muwaadiniinta degmadayda.”
Nidaa Calaam
Nidaa Calaam oo ah 26 jir Muslima ayaa ka mid noqotay xildhibaannada doorashadii toban maalmood ka hor dhacday ku guulaystay golaha gobalka North Coroline. Waxa aanay hore uga tirsanaan jirtay guddidii ol’olaha ee Barnie Sanders oo xisbiga dimuqraaddiga gudihiisa murashaxnimada doorashada kula tartamay madaxweynaha guulaystay ee Joe Biden.