Qatar Oo Ka Hadashay Heshiisyada Israa’iil Iyo Dalalka Carabta
November 17, 2020 - Written by admin
Doha(Berberatoday.com)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar ayaa sheegey in xidhiidhka ay dalal Carbeed la sameeyeen Israa’iil uu majaxaabineyo dadaallada lagu doonayo in Falastiin ay dal ku noqoto, balse waxa uu sheegey in dalalkaasi ay u madax bannaan yihiin inay sidaasi sameeyaan.
Dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Sudan ayaa bilihii dhawaa go’aansaday inay cadowtinimadii Israa’iil ka dhaxeysay meel iska dhigaan, oo ay xidhiidh wanaagsanna abuuraan, kadib heshiisyo uu ka soo shaqeeyay maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Hoggaamiyayaasha Falastiin, ayaa ku eedeeyay dalalkaasi qayaano, halka saraakiil Mareykan iyo Israa’iil ah ay sheegeen in dalal kale oo Carbeed ay waddada ku soo jiraan.