Wefti Ka Socda Shirkadda Shidaalka EeTrafigura Oo Shalay Ku Yimid Caasimadda Somaliland
November 17, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Weftiga ka socda Shirkadda Shidaalka Trafigura ayaa Shalay socdaal ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Waxa Weftiga Madaarka kaga hor-tagay oo soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Saraakiil ka mid ah Madaxtooyada JSL, sida ilo xog-ogaal ahi u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika.
Weftiga oo uu Miisaankoodu culus yahay ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan Masuuliyiinta Somaliland.