Dagaalka Dawladda Itoobiya & TPLF Iyo Dalalka Gobolka Ee Uu Saamaynta Ku Yeelan Karo!
November 18, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada Itoobiya ayaa dagaal adag kula jirta maamulka gobalka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya. Waa colaad ka aloosantay dalka labaad ee Afrika ugu shacabka badan, waxaanu dagaalka oo sii xumaadaa saamayn ku yeelanayaa gobalka Geeska Afrika oo marka horeba colaado la ciirciirayay.

Itoobiya ayaa dalalka gobalka Geeska Afrika waxa ay la wadaagtaa xuduud, waana sababta looga cabsi qabo in dagaalku gobalka wada saameeyo.
Ereteriya: Madaxweynaha Ereteriya oo ay colaad gaamurtay ka dhaxayso madaxda Tigray ayaa u muuqda inuu qayb ka yahay dagaalka, inkastoo uu beeniyay warkan wasiirkiisa arrimaha dibadda Cismaan Saalax. Saddex gantaal oo an nooca ridada dheer ayay TPLF la beegsatay caasimadda Ereteriya ee Asmara. Madaxweyne Afarwerki ayaa maamulka Tigreega oo hayay talada Itoobiya uu dagaal dhex maray dagaalamay 1998-2000.