Ilhaan Cumar Oo Eedeyn Ujeedisay Xukuumadda Itoobiya Ee Abyi Ahmed Hogaamiyo
November 18, 2020 - Written by admin
Wahington(Berberatoday.com)-Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykana ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xiisada dagaal ee dalka Itoobiya.
Qoraal kooban oo ay soo saartay Ilhaan Cumar ayaa waxa uga hadashay dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka ee dalkaasi iyo kuwa TPLF ee waqooyiga Itoobiya.
Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa xukuumadda Itoobiya ku eedeysay in nooc kasta oo dagaal ah ay ka geystay gobolka Tigray ee dalkaasi.