“Ra,isul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Ma Ku Guulaysan Doonaa Hawlgalka Milatari Ee Gobolka Tigray, Mise Isaga Ayaaba Halis U Ah In Uu Noqdo Gorbjev-kii Itoobiya”?Siyaasi Cali Guray,
November 20, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray )Oo kamid Aqoonyahanka ka faalooda nabadgalyada iyo siyaasada geeska africa ayaa si qotodheer u falanqeeyay dagaalka raysal wasaaraha itoobiya ku qaaday kililka tigreega ee waqooyiga dalka itoobiya TPLF isagoo hoosta ka xariiqay halisa ka dhalan kara.
Siyaasi kale siyaasi Gali guray oo kamid ahaa saraakiishii Ururkii Snm ee gayiga somaliland ka xoreeyay taliskii siyaasad bare islamarkaana aqoon dheer u leh dagaalada iyo khilaafaadka ka dhex qarxa dawladaha iyo jabhada badi cida ay guushu raaco ayaa sheegay in raysalwasaare abiy laga yaabo in uu isku rogo qorshaha milatari ee ku qaaday ismaamulka tigreega.