“Annaga Ayaa Ah Xildhibanaadii Somaliland, Ciddii Tagaysa Soomaaliya Inama Mataalan Oo Waa Dad Shaqo Tagey”Xildhibaan Nacnac
November 22, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo ka mid ah Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in Doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya aanay khusayn Somaliland, waxaanu tilmaamay in labada dal ay kala yihiin laba dal oo kala madax-banaan, oo aan isku mawif iyo isku ujeeddo toona ahayn.