Golaha Amaanka Oo Dhageystay Warbixin Ku Saabsan Doorashada Soomaaliya
November 25, 2020 - Written by admin
New York(Berberatoday.com)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo soo xidhay shirka Golaha Amaanka Qarramada Midoobey oo looga hadlayay xaalada dalka Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyay Golaha Arrimaha Doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa ugu horreyn ka hadlay heshiiskii ay gaadheen madaxda dalwadda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku saabsan doorashada Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay Soomaaliya ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka horraanta sannadka soo socda.