Guddoonka Golaha Shacabka Dawlada Xamar Oo Ku Biiray Shirka Muqdisho Uga Socda Musharaxiinta Mucaaridka
November 25, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Shirkan oo markiisii hore ku bilaabmay musharixiinta garabka mucaaradka oo kaliya ayaa hadda waxaa ku biiraya dhinacyo kale xubno oo isugu jira Ururrada bulshada rayidka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Galinkii hore ee maanta waxaa madasha shirkan uu ka soconayo taggay guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi iyo mas’uuliyiin xubnaha dowladda ee ka soo jeeda gobollada Waqooyi, halka galinkii danbe ee maanta ay madasha shirka booqdeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ku-xigeenkiisa koowaad Cabdi Wali Sheekh Ibraahim Muudeey.