Aqriso”Magacyada 8 Dhallinyaro Ah Oo Xalay Qaraxa Lagula Beegsaday Makhaayada Gelato Divino Ee Muqdisho
November 28, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Habeen kale oo murugo badan ayay xalay u ahayd magaalada Muqdisho, ayada oo ay ka baxeen dad aad looga jeclaa magaalada oo dhammaantood ahaa dhallinyaro.
Dhallinyarada ayaa ku dhintay qaraxii is-miidaaminta ee caawa ka dhacay maqaayadda Gelato Divino, kaasi oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale.
Xogta khasaraaha ayaa waxaa Caasimada Online u xaqiijiyey goobjoogeyaal iyo ilo-wareedyo amni. Adeegga gurmadka deg degga ah ee Amin Ambulance ayaa sidoo kale dhankooda ka xaqiijiyey geerida 7 qof iyo dhaawaca 10.