Kenya Iyo Soomaaliya Oo Safaaradaha Kala Qaatay Iyo Sababta Keentay
November 30, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, ayaa safaaradaha kala qaatay maanta.
Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa u yeedhay safiirkeeda dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tasan, kuna wargelisay safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo inuu dalkiisa ku laabto.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo caawa la hadlay warbaahinta dawladda, ayaa sheegay in go’aankan dawladdu gaadhay.
Qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay go’aankan qaadatay “iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda qaran, kadib markii ay u muuqatay in Kenya si badheedh ah ay u fara galinayso umuuraha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubaland.”