IRAN Oo Farriin Cabsi Leh U Dirtay Imaaraadka Carabta
December 2, 2020 - Written by admin
Abu Dubai(Berberatoday.com)-IRAN ayaa si toos ah ula xidhiidhay dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed toddobaadkii tegay, uguna hanjabtay weerar culus oo jawaab u ah weerar kasta oo Mareykanka ay ku qaadaan Tehran, waxaa sidaas weriyey Middle East Eye.
Iiraaniyiinta ayaa heegan culus ku jira kadib dilkii Jimcihii loo gaystay sanyisyahankii ugu sarreeyey nukliyeerka dalkaas Mohsen Fakhrizadeh.
Inkasta oo sirdoonka Israa’iil ay si qarsoodi ah ugu sheegteen dilkan xidhiidh ay la sameeyeen wargeyska New York Times, haddana Iran ayaa sidoo kale rumeysan in laga yaabo in madaxweynaha xilka ka degaya ee Mareykanka Donald Trump uu ku qaadi karo weerar ku ciil bax ah ka hor 20-ka January.