Golaha Guurtida Oo Dood Ka Yeeshay Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland Iyo Faraqa U Dhexeeya Xidhiidhka Itoobiya Ee Xilligii Melez & Abiy Axmed!
December 3, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland ayaa Fadhigoodii shalay waxay dood ka yeesheen siyaasadda Arrimaha dibeddu halka ay marayso, isbeddellada ka dhacaya Gobolka Geeska Afrika iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Xildhibaannada oo soo bandhigay Aragtiyo kala gedisan oo la xidhiidha siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland ayaa intooda badan waxay soo jeediyeen in kor loo qaado dedaallada la xidhiidha horumarinta siyaasadda arrimaha dibedda, maaddaama oo ay tahay ta Somaliland ku xidhaysa dunida inteeda kale.
Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo ka mid ah Mudenayaasha dooddaada ka dhiibtay arrintan ayaa si gaar ah diiradda u saaray xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, isagoo farta ku goday siyaasadda Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya ee ku waajahan Somaliland iyo Soomaaliya.