Madaxweyne Farmaajo Oo Xil Umagacaabay Yuusuf Garaad
December 3, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Dawlada Xamar Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Danjire Yuusuf Garaad Cumar in uu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Madaxweynaha ayaa u xilsaaray Danjire Yuusuf in uu sii ambaqaado doorka Soomaaliya ay ka qaadanayso qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku saleysan wax-wada qabsi, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.
Yuusuf Garaad