Qaramada Midoobey Iyo Itoobiya Oo Gaadhay Heshiis Ku Saabsan Xaaladda Tigray
December 3, 2020 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Qaramada Midoobey iyo Itoobiya ayaa gaadhay heshiis ku saabsan in la furo marinada gargaarka si loogu gurmado shacabka ku nool gobolka uu dagaalka ka socda ee Tigray, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Qarmada Midoobey.
Afahahyeenka UNSaviano Abreu ayaa sheegay in gelinka dambe ee Arbacada ay bilaabayaan howl lagu soo qiimeynayo xaaladda si gargaar loo gaadhsiiyo shacabka Tigray, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.