Somaliya: “Iyadana Ma Belaayaa Ka Hig Leh, Mise Way Ka Heshiin Caqabadaha Hor Yaal Doorashada?Siyaasi Cali Guray.
December 3, 2020 - Written by admin
Xiligan Oo Somalia Ay Soo foodsaartay Doorashadii Baarlamanku Guud ahaan masraxa siyaasadda waxa hadheeyay khilaafyo is-huwan oo laga yaabo in ay caqabad aan laga gudbi Karin ku noqdaan suurogalnimada doorasho dadban oo la isla Ogol yahay. Waayo khilaafka ayaa leh wejiyo dhawr ah marka la Eego arimaha saamaynta ku leh doorashada oo aan ku koobnayn tartanka shakhsiyada damacyada leh ee doonaya in Ay ka mid noqdaan Xildhibaanada Baarlamanka cusub. Inta Badan dadka is hayaa maaha kuwa iyagu u tartamaya Baarlamanka ee waxa hadheeyay khilaafka shakhsiyaadka danaynaya in baarlamanka cusub ee la dooran doonaa uu u doorto Madaxwayne kuwaas oo tiradoodu ay ka badan tahay 12 musharax oo mucaarid ah iyo Madaxwaynaha xilka haya. Musharixiinta mucaaridku waxa keliya ee ay ku midaysan yihiin marka koobaad waa diidmada Komishanka Doorashada oo ay u tirinayaan in uu iska leeyahay Madaxwayne Farmaajo sidaa daraaded aanay dhex ahayn in kasta oo xulista ama doorashada xildhibaanadu aanay ahayn hawl ay iska leeyihiin Komishanku, hadana waxa suurogal ah in kaalinta Komishanka iyo saamaynta ay ku yeelan karto doorashadu ay muhiim tahay.