“Lakala Dheeree, Orodse Maaha!” Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi
December 7, 2020 - Written by admin
Ummadaha reer galbeedku kuma horu marin, isirkooda cad, af ingiriisiga ay badi ku hadlaan, abaal gud ay alle ka mutaysteen, iyo ayaan ay uumiyaha kale ifka dheer yihiin toonna. Hasayeeshee, waxay ku horu mareen aqoon, iskaashi, isku duubni, is aamin, arrimiyaal leh ujeedooyin fog, asaagood oo ay ka maarmeen, iyo askun cadaaladeed.
Hohe! Maxaa ka run badan murtida soomaaliyeed ee tidhaahda, laxwaliba shilalka ay is dhigto ayaa lagu qalaa. Taban taabaday laba gacmood tamar ku yeeshaan. haday midigtu kali taagan tahay tahar ma goyseen.