Xidhiidhkii iyo heshiisyadii Somalilaan iyo Imaaraatigu wada galeen oo fadeexad iyo fashilaad qarka u saaran qalinkii A/rahman fidhinle .
December 7, 2020 - Written by admin
Markaad dhugato nuqulkii heshiiskii DPW iyo JSL wada galeen sanadkii 9/5/2016 –Waxaa isfahanka heshiiska qaybtiisa kowaad ee “Memorandum Of Understand ” uu cadeynayaa in mudnaanta kowaad la siin doono Mashaariicda horumarinta bulshada , kuwaas oo laga ilduufay qalinkana lagu xaday oo hada xukuumadu sheegtay in ay iska ahaayeen uun balan qaad. Mashaariicda horumarinta ee la isla fahmay waxaa ka mid ahaa: Mashruuca Beeraha,Kaluunka, Dhoofka xoolaha, Shaqo abuurka dhalinyarada, horumarinta Dalxiiska, dhismaha Wadadda Berbera Corridor, Dhismaha Keydka haamaha Shidaalka ee Berbera , horumarinta Caafimaadka oo ay ku balan qaadeen inay 3-hospital dhisaan, Waxbarashada iyo horumarinta korontada magaalada Berbera,dhismaha Madaarka Berbera. Waxa ku cad nuqulka isfahanka in heshiiskii labada garab ee Xukuumadii hore ee Somalilaan iyo Shirkada DPW isla qaateen uu qeexayey in balaadhinta Dekeda Berbera lagu bilaabi doono laguna dhisi doono mudo sanad gudihiis ah taa soo dhismuhu ku saleysnaan doono sadexdan weji ee hoose oo kala ah:
1- Phase 0 Waxaa la keeni doona Dekeda Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya (3 Mobile Cranes) 5 Wiish oo raseeyayaal ah (5 reach stackers) 3 Tareele oo kontaynarada qaada (3 empty carriers) New Security system oo dekedu ku shaqeyn doonto oo ku qalabeysan cilmiga tiknolajiyada cusub ee kumbuyuutarka ah. Wejigani wuxuu ku kacayaa ayey leeyihiin lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar. ilaa iyo hada DPW lagama hayo fulinta wejigan in kasta oo qalab yar oo baali ah ay Dekedooda Jabal Ali ka soo xawawariyeen qalabkaasina uma dhawa umana dhigmo wixii lagu heshiiyey .Waxaa looga fadhiyaa shirkada DPW in qalab qiimihiisu yahay $62 million doolar oo dalka dhaxal unoqda ay Dekeda keento.
2- Phase 1 Wejigan wuxuu leeyahay waxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo 400m iyo 25 yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab. Waxaa kale oo wejigan la socda ayey leeyihiin in la keenaayo Dekeda Berbera 7 Wiish oo ah kuwa casriga ah ee qaada isla markaana raseeya kontaynarada (7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejigani lagu maalgelin doonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar. Wejigan wuxuu dhismihiisu socdaa mudo 2-ba sanadood ah ,Waxaana shirakda DPW ee macaashdoonka ah looga fadhiyaa in ay wijigan dhamayso bisha koowaad ee sandanka cusub 2021– isha allah.
3- Phase 2 Wuxuu qeexayaa in wejigan hirgelintiisu ay ku xidhan tahay mar kasta sida ay u shaqeeyaan Phase 0 iyo Phase 1, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75% ay markaa hirgelinayaan Phase 2, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab oo kale. Qiimaha wejigan 2-aad lagu Maalgelinaayo ayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $10 Million Dollar.
Isku darka lacagtaa maalgelinta ah ee loo qoondeeyey Balaadhinta Dekeda Berbera ee ku saleysan Sadexdaa weji ee sare ayaa isku noqonaysa $242 Million oo doolar. Taas oo noqonaysa lacag aad u yar marka loo eego lacagtii ay hore ugu balan qaadeen in ay Dekeda ku maalgeliyaan oo aheyd $440 Million.
Mudadii 3-da sanadood ee Shirkada macaashdoonka ah ee DPWorld Dekeda Berbera maamulaysay waxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo dhan oo ay ka mid ahaayeen kuwan hoose:
1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo si waafi ah loo dayac tiro.
2- In Deked cusub oo 800 mitir ah, la kala dhisto laba jeer oo min 400 mitir ah.
3- In Wadada Rajada ee Berbera Corridor la dhisto waa ( Wadadda isku xidhidha Berbera iyo Wajaale ) oo hada fashilaad iyo kab-kab ku danbeysay.
4- In Madaar Madani ah Berbera laga dhisto maadaama Madaarkii hore ay Saldhig ciidan ka dhiganayaan ilaa iyo hadana diidan yihiin wixii lagu heshiiyey
5- In ay dalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo heshiiska ku jirtay ku waas oo arimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, Dalxiiska, Beeraha , biyaha iyo waxbarashada
6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah oo ah Suuq balaadhan oo alaabooyinka dalka gudihiisa iyo debediisa tegaaya lagu kala qaybiyo ( free zone )
7- In dhalinyarada aqoon yahanka Somalilaan Imaaraatka u shaqo tagaan iyaga oo baasaabooradooda isticmaalaya. Dhamaan mashaariicdaasi waxay noqdeen mashaariic male-awaal ah oo cilmi feleg ah oo aan markii horeba wadan halbeeg lagu cabiro, qiime sugan iyo waqtiga ay bilaabmayaan iyo waqtiga ay dhamaanayaan oon lagu heshiin. ilaa iyo hadana waxba kama fulin oo waabay dafirsan yihiin qaar ka mid ah mashaariicdaas sida dhamaan mashaariicda horumarinta arimaha bulshada oo ay ku leeyihiin heshiiskaba kumay jirine balanqaad uun bay ahaayeen.
Fiiro Gaar ah : Kadib markay aqoon yahanka Somaalilaan sameeyeen cilmi baadhis cokan oo dabo dhigteen taariikhda shirkada DPW ee macaashdoonka ah waxay ogaadeen oo isku wada raaceen in heshiiskan la wada galay waqtigii dawladii Siilaanyo uu khatar ku yahay Qowmiyada iyo qaranimada Somalilaan. Waxaana la ogaaday in Shirkada DPW hore heshiisyo badan oo kan oo kale ah u jebisay uguna fashilan tahay oo ay qalabkeedii ka furatay Dekedo badan oo Caalamka ah. sida Dekeda Jabouti, Dekeda Cadan, Dekeda Lebanon iyo Dekeda Senegal, Dekeda Maleysia , Deked indonisia ku taal, iyo Deked iyana ku taala dalka Mareykanka .
Anigu Daaha kama Rogin ee Dadkuba Way arkaayaan! Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso !!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Advisor ED BD PA
United Kingdom