|
berberatoday.com
Xubnaha Reer Somaliland Ee Xilalka Ka Haya Dawlada Xamar Oo Abaabulay Kulan Lagu Taaeeray Guddiga Doorashooyinka Ee Laysku khilaafsan Yahay
December 8, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ra’iisul-wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta ka qeybgalay shirka Wadatashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland oo lagu soo gabagabeeyey Muqdisho. Shirkaas oo ujeeddadiisu ahayd taageerada guddiyada doorashada ay Xukuumaddu magacowday oo ay ka soo horjeesteen Midawga Musharrixiinta mucaaradka ah oo saluug weyn ka muujiyey Guddiga doorashada 2021-ka.

hirkan oo ay soo qaban qaabiyeen qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada waqooyi ee ku dhaqan Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirro, Salaaddiin, Siyaasiyiin, Musharraxiin, Haween iyo Dhalinyaro, dhammaantoodna si wadajir ah ayay u caddeeyeen mowqifkooda doorashooyinka Soomaaliya iyo sida ay u taageersan yihiin guddiyada doorashada ee khilaafku ka taagan yahay ku kalsoonaantooda.
Mahdi Maxamed Guulleed, ayaa carrabka ku adkeeyay in dalka uu aadaayo doorasho xiligeeda ku dhacda laguna kala nabad galo, waxaanu yidhi; “Waxaannu diyaar u nahay doorasho, waxaan diyaar u nahay in doorasho loo dareero oo aan is doorano, laguna kala nabad galo. Muran kasta oo yimaada wuxuu dib u dhigayaa doorashada.”
Mahadi Guudleed oo sii watay hadalkiisa, waxa uu intaas ku ladhay;” Taa macnaheedu ma waxa ay tahay doorasho diyaar uma ahiye dib ha la iigu dhigo, Doorashada wakhtigeeda ayaan ku qabaneynaa, haddii ay tabasho jirto diyaar baa loo yahay in lagu dhageysto.”
Waxa uu Mahadi sheegay inay diyaar u yihiin inay u tartamaan isaga iyo xubno uu ku jiraa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee 2021-ka, sidoo kalena ay soo dhawaynayaan inay la tartamaan xubnaha kale ee hanka leh ee ay Somaliland ka soo wada-jeedaan ee aan hore Baarlamaanka uga tirsanayn, kooda guulaystaana uu yahay guul ay gobollada Waqooyi (Somaliland) leeyihiin, sida uu hadalka u dhigay Raysal-wasaare ku-xigeenku.
Xubnaha Somaliland ka soo jeeda ee xilalka ka haya Muqdisho ee Shirkaas ka qaybgalay, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga iyo Xildhibaannada labada aqal.
Xubnaha kala duwan ee Somaliland ka soo jeeda ee ka qaybgalay Shirkaas, ayaa intooda hadashay, waxay sheegeen inay isku raacsan yihiin in dalka uu doorasho ka qabsoonto, iyaguna ay si buuxda u taageersan yihiin guddiyadii dooorashooyinka ay Xukuumadu magacowday.
Guddiyada doorashada ee Xukuumadda Soomaaliya soo xushay ee Shirkaas maanta lagu taageeray, ayey Musharrixiinta Mucaaradka ahi si weyn uga soo horjeesteen, isla markaana ku tilmaameen inay ku jiraan Xubno dowladda u shaqeeya iyo Saraakiil Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ka tirsan, sidaas awgeedna aanay ku kalsoonayn inay doorasho qabtaan, ee ay soo jeedinayaan in la kala diro.
Berberatoday.com
COMMENTS
|