Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Qoys Koonfurta Somaliya Kasoo Jeeda Ku Wareejisay Guri Mudo 30 Sano Ah Baadil Lagaga Haystay
December 9, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamdda Gobolka Marood-jeex ayaa guri ku yaala Magaalada Hargeysa dib ugu Celisay Cabdilaahi Yusuf Faarax oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya kuna abtirsada (Beesha Marexaan ) ,
Gurigan ayaa la dhisay Wakhtigi Dowladi Siyaad Barre ka talinaysay degaanada Somaliland , Waxa wakiil uga ahaa Maxamuud Cismaan Gude
Dhageysiga dacwadan oo mudo maxkamadda ka socotay ayaa u dhaxaysay qoyskii daganaa gurigaasi 30kii sanno ee ugu danbeeyay oo ku muransanaa iyo wakiilka mulkiilaha ee saaka gudoomay guriga
Berberatoday.com