Dawladda Maraykanka Oo Xaqiijisay In Ciidammada Eritrea Ka Qayb-galeen Dagaalkii Lagu Qaaday Tigreega
December 10, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Maraykanka ayaa aamisan in Ciidammada Milletariga ee Eritrea ka tallaabeen Xuduudka Itoobiya, si ay Raysal-wasaare Abiy Axmed uga caawiyaan dagaalkii uu ku qaaday Jabhadda Gobolka Waqooyiga Itoobiya ee TPLF.
Sidaa waxa Shalay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa Ilo Wareedyo ka mid ah Dawladda Maraykanka iyo illaa shan Diblumaasiyiin Goboleedyo ah.
Maraykanka ayaa in Ciidammada Eritrea ku lug leeyihiin Dagaalka ka dhanka ah TPLF u cuskanaya Sawirro lagu qaaday Dayax-gacmeed iyo Khadad Isgaadhsiineed oo la qabtay isla-markaana la tixraacay, Warar laga helay Gobolka Tigreega iyo Madaxda Jabhadda TPLF.