Koox Soomaali Ah Oo La Shaaciyey Inay Hubka Ukala Gudbiyaan Iran Iyo Yemen
December 10, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Warbixino cusub oo soo baxaya ayaa sheegaya in koox Soomaali ah ay ka shaqeysa kala gudbinta hubka ka yimaada Iran ee la geeyo Yemen, waxaana la mariyaa qeybo ka mid ah xeebaha Bari ee Soomaaliya.

Arintan ayaa soo baxday kadib markii la qabtay markab la sheegay inuu dalka Iran kasoo daabulay hub loo waday kooxda Xuutiyiinta ee ka dagallama dalka Yemen.