Ganacsatada Qaadka Kenya Oo Cadaadis Ku Saaraya Madaxweyne Uhuru Kenyatta Inuu Wada Hadaladii Jaad Geynta Somaliya Deg Deg Ubilaabo
December 11, 2020 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya ayaa ku cadaadinaya madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta in uu dhakhse u bilaabo wada hadallo ku saabsan sidii ay dowladda Soomaaliya u fasixi laheyd Qaadkii loo dhoofin jiray.
Guddoomiyaha guddiga ganacsatada Qaadka ee dalkaasi Kenya Kimathi Munjuri wuxuu sheegay in Soomaaliya ay tahay suuqa ugu weyn oo ay heystaan waxaana maalintii la geeyaa ilaa 50 tan oo qiimihiisu yahay qiyaastii 16 milyan oo Shillinka Kenya ah..
