Israa’iil Iyo Morocco Oo Shaaciyay Heshiis Ay Wada Gaadheen
December 11, 2020 - Written by admin
Rabaat(Berberatoday.com)-Dalka Morocco ayaa noqday dalkii ugu dambeeyay oo ka tirsan Jaamacadda Carabta isla markaana ogolaada inuu xidhiidh diblomaasiyadeed la yeesho Israa’iil waxaana heshiiskan gadh wadeen ka ah dowladda Mareykanka.

Qeyb ka mid ah heshiiska, Mareykanka wuxuu ogolaaday inuu aqoonsado sheegashada Morocco ee ku saabsan gobolka lagu muransan yahay ee Saxaraha Galbeed.