Maraykanka Oo Sheegay Inuu Duqayn Ku Dilay 8 Xubnood Oo Katirsan Khuburada Al-shabaab Usameeya Qaraxyada
December 11, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa fuliyay labo duqeyn oo cirka ah oo lagu bartilmaameesaday khubaro katirsan al-Shabaab oo qaraxyada sameeya, waxayna duqayntu ka dhacday agagaarka Jilib.

Qiimeyn hordhac ah oo lagasoo saaray duqayntan, ayaa lagu sheegay in lagu dilay 8 xubnood oo door muhiim ah ka ciyaara soo saarida walxaha qarxa, oo ay ku jiraan qaraxyada lagu xidho gawaadhida xamuulka qaada.