Kulan ka Qabsoomay Madaxtooyadda Jsl Oo Lagu Go’aamiyey In Aan Waxba Laga Bedelin Jedwalka Diwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka
December 12, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa habeenimadii xalay kulan muhiima qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ku yeeshay madaxda axsaabta qaranka, xubno ka mida golaha Wasiirada iyo Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, waxaanu kulankaasi uu daba socday kulamo hore u dhex maray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, axsaabta qaranka iyo odayaasha gobolada barriga oo uu ujeedkiisu ahaa in dib loo eego jedwalka diwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka oo hore ay u dejiyeen komishanka doorashooyinku; kana bilaabmay gobolada galbeedka Somaliland, iyada oo la filayo in 13-12-2020 ka bilaabmanto gobolada barriga Somaliland.