“Diyaaraddu Waa Tusaale Aynu Mar Kasta Xasuusan Nahay, Dawladdii Siyaad Barre Dhibtii Iyo Xasuuqii Ay Dadkeena U geystay”Xil Qabile.
December 13, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay dib u habaynta lagu sameeynayo taalada Diyaaradda ee Magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay inay haboon tahay kharashka lagu bixinayo taaladan in lagu bixiyo meelo kale.
