“Khilaafka Siyaasiyiinta Somaliya, Doorasho Iyo Doorasho La’aan Midna La Is Lama Ogola” Siyaasi Cali Guray.
December 13, 2020 - Written by admin
Marka la Eego Khilaafka Siyaasiyiinta Somalia Doorasho Iyo Doorasho La’aan Midna La is lama ogola. Xalka aan labadaa ahayn ee kalena waa laguu yaqaan oo waa xal la’aan. Xal la’aanta ma jiro dhinac Guulaysanaya iyo dhinac laga guulaysanayaa ee waa all losers iyo in la isla wada dego. Malaha inkaartii Somaliland baa ku dhacday. siday wax leeyihiin in eber laga soo bilaabo ka fursan mayso. Waddada Abye Ahmed ma laga yaabaa in Farmaajo isaguna cagta saaro oo iyagu waa qoomiyad keliya eh ay reero U kala saftaan. Itoobiya ma jirto qoomiyad dhulkeeda ay qoomiyad kale kaga adkaan kartaa. Reeruhuna Waa sidaa waxay ku wada joogi karaan waa nabad hadiise la is colaysto reerna reer kama adkaan karo. Hadii ay doorasho qabsoomi waydo si kale oo Farmaajo lagu bedeli karo ama Baarlamankan iyo Farmaajo lagu bedeli karo oo heshiis lagu yahay ama lagu heshiin karaa miyuu jiraa? U malayn maayo in Uu jiro eh waxa furan dhan walba ha lagu qado eh dheglay ku shub. Malaha waa ta mucaaridka Farmaajo ay maagan yihiine saw xaalkoodu ma noqon doono karis xun iyadaa ku wax la’? Oo hadii aanay Sidaa ku socon waa kuma ka inta uu Farmaajo qoorta ka soo qabto isagu ku fadhiisan karaa, halkuuse in Uu xukumo doonaya.