“Hadalkan Wasiirka Oo Dabcan Ah Hadalkii Madaxwaynihiisa, Marka La Eego Waxa La Odhan, Farmaajo Waa Dhidar Onkod Kiciyay”Siyaasi Cali Guray.
December 16, 2020 - Written by admin
LAQANTOOYO SOOMAALI BAA LURI CALOOSHAYE. LUUFLUUFTADAASAAN U DHIMAN LAAFO LUGUDKEEDE!
Hadalkan Wasiirka oo dabcan ah Hadalkii Madaxwaynihiisa Marka la Eego Waxa la Odhan Farmaajo waa Dhidar Onkod Kiciyay. Farogelinta Uu Sheegay In kastoo Aanu cadayn ee Hadda ku keliftay in uu Xidhiidhka u gooyo Kenya ma mid cusub Oo ka duwan tii hore ee weligiiba uu sheegi jiray baa? hadii Eedihii hore ay tahay oo aan wax cusubi jirin mar hore ayuu Go’aankan qaadan lahaaye waxa keliya ee cusub ee labadan Maalmood ku soo kordhay waa waftiga Madaxwaynaha Somaliland ee Madaxwaynaha Kenya uu martiqaadday? Hadaba maaha markii ugu horeysay Somaliland ee Madaxwayne xilka haya uu martiqaad ka helo dawlad kale ee Way jireen kuwo horeba intii Farmaajo uu xilka hayay iyo ka Horba. Sidaa daraadeed waxa la odhan karaa arinta go’aanka Farmaajo xiligan waa dagaal cad oo aan ku wajahnayn Kenya Balse ku wajahan Somaliland. Waayo xataa arimaha laga wada Hadlay maaha kuwo siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed waana Xidhiidh horeba ay Somaliland ula lahayd wadamo dhawr ah Sida kuwa jaarka ee Itoobiya iyo Jabuuti iyo wadamada Khaliijka Sida Imaaraadka carabta kuwaas oo isugu jira arimo iskaashi Dhinacyada nabadgelyada, ganacsiga, isu socodka, dhaqaalaha Iwm. Wadamadaasi ma jiro waddan keliya oo Dawladda Somaliya ay xidhiidhka u goysay. Markaa waayo Kenya? Jawawbtu ma adka. Farmaajo waxa iskaga qaldan cilaaqaadka Aan fiicnayn ee ka dhaxeeya dawladdiisa iyo dawladda Kenya Oo Somaliland aan wax ka khuseeyaa jirin iyo cadaadiska Gaarka ah ee sida gaarka ah uu ugu hayo Somaliland oo aan Ahayn Dawladda Somaliland cidda uu had iyo goor ku Dhibtaaye ay tahay dadka Somaliland. Nasiib darro isaga oo Hadana midnimo Somaliyeed oo afka baarkiisa ah mar kasta ka Hadla.